Posts

Showing posts from December, 2017

Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Image
Taariikhdu markay ahayd 26 December 2017 waxaan kulan aan qorsheyn kala qeyb galay ardayda jaamacadaha dalka Kenya, Waxay ii ahayd farxad in aan arko waqtina la qaato oradyahanka caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi. Taariikhda iyo koobabka uu Somaliya u hantay waxaa laga heli karaa google iyo Keydka taariikhda Somalida, marka ilama qumano in aan ka hadlo maadaama aan usoo joogin. Kullankeeni Cabdi Bile markaan u soo noqdo, waxaa aan la qaadanay in ka badan 5 saacadood, waxaan dareemay in uu jiro wadani nool oo weli aamisan Somalinimada isagoon ku dooneyn xil iyo magac tuna.  Wuxuu 1993 iyadoon Somaliya ay burburtay uu sidday calanka baluuga kana qeyb galay tartankii ordanyahanadda caalamka, Somalida badan ayaa igu tiri ayuu yiri "dowladba ma jirtee yaad u siddaa calankaan, markaa baan ku iri war Somaliya Ayaan u cayaarayey ee uma siddan calanka Siyaad Barre'. Wuxuu nala wadaagay in markii uu qaadanayey passport Marekyanka uu habeenkii oo idil oo ooyayey waayo ma ...

Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida

Abwaan Mohamed Ibrahim Hadrawi waxaa uu dhaxal sugaaneed oo taariikhi ah uga tagay gayiga Somalida iyo waliba dadka daneeya barashadda Afka Somaaliga. Hadraawi  anigoo school gaarin Ayaan ka maqli jirey heesihiisa, gabayadiisa hooyadeey oo suugaanta Somalida aad u xifdida. Markaan schoolka gaadhay, waxaan bartay gabayo, heeso iyo sugaan badan oo lagu qorey buugaagta Somalida. Mohamed oo hibooyinkaa uu eebe siiyey, ay u dheertahay saadaalin wax soo socda, hogo tusaaleeyn dhanka nabada iyo colaada intuba, gubaabin ku saabsan in la ilaalsho dhaqanka ayaa waxaa uu dhaxal uga tagay suugaan badan oo ku saabsan haweenka Soomaalida oo uu u curiyey heeso iyo gabayo amaan ah, mar uu ka hadlayey awwodda haweenka somalida waxaa uu ku yiri wareysi uu siiyey TV laga leeyahay dalka Jabuuti " kaalin aysan haween ku jirin laguma guuleysto" wax kasta oo laga hadlayo haweenka ayaa lagu daraa ankee carabta waa na lamid". Heesta Hablaha Geeska oo uu ku amaanayo haweenka Somalida aya...

Ceello Ceelka Ha Isku Ridin

Soomalidda waxaa ay muddo kujirtay ceello ceelka ha isku ridin iyo wan isku riddi! Dadka badankood waxay ka hadlayaan maamul gobolleedyadda qaabka ay u dhaqmeeyn iyo saxnimadooda. Aniga Waxaan jeclaan lahaa in dowladda dhexe ay muujiso doorkeedda si sharciga waafaqsan, tusaale ahaan in ay sheegto waxa ay sharciga u leedahay iyo wax xaq looga lee yahay sharciyan. Dowladda dhexe Jalaato ma iibineyso si ay noo wadda qanciso, ee waxaa ay tahay in ay ka hadasho arinkaan si adag oo xilkasnimo  leh Iyo sharci gudasho ah. Hadday wax ku weydo, dowladda dhexe waxaa la gudboon in ay la fariisato aqalka sharci dejinta, ilaa loo gudbiyo Aqalka sare oo labaduba kayimaadeen dowladd goboleedyadda iminka jira. Dowlladda dhexe hadday intaa wax ku weydo, dalka #Marshal #Law  haku Soo rogto, deedna shir ha u qabato qolyaha iminka qaska waddo si Godka jillicoow loo geeyo, ugu danbeeyna loo magcaabo governor ka amarqaato wasiirka arimaha gudaha. Somaliya 30 sanno ayey kujirta I jiid Aan k...

Dhismaha Nolosha Waa Dhismaha Qaranka

Dhismaha   Nolosha Waayadan   danbe ,  waxaa  Somalia  ku   soo   siyaaday   hablo shaqeysta   oo   hanti  ay  iyagu   leeyihiin   helo   bil   kasta ,   waliba  ay u  dheertahay   qaarkood   gu nnooyin  ay  kamid   tahay   abaal   marinta c ii d da   sa nnad   walba   laba  jeer.  Waxay   kaloo   helaan   f asaxyo san nadle  ah  iyo  mid  u mmulaha   loogu   talagalay ,  fasaxyo  la  baxsho   kuwa  wax   barta   iyadoo   waliba   intay   maqan   yihiin  ay  leeyihiin   mushaarkoodi . Waxaa  ay  habluhu   gooni  u  yeesheen   godad  ay  ku   leeyihiin banoogta   ku   yaa l la   dalka   gudihiisa   iyo   dibaddiisa .  Waxay   ay...

Dhismaha Nolosha waa dhismaha qaranka

Dhismaha Nolosha Waayadan danbe, waxaa Somalia kusoo siyaaday hablo shaqeysta oo hanti ay iyagu leeyihiin helo bil kasta waliba ay u dheertahay qaarkood gunooyin ay kamid tahay Abaal marinta Ciida sanad walba laba jeer, Fasaxyo sanadle ah iyo mid Ummulaha loogu talagalay, fasaxyo la baxsho kuwa waxbarta iyadoo waliba intay maqan yihiin ay leeyihiin mushaarkoodi. Waxaa ay habluhu gooni u yeesheen godad ay ku leeyihiin banoogta kuyaala dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaa ay sameeyn karaan ganacsiyo yar yar iyo kuwo waaweeyn haddey qorsheeyaan oo go’aansadaan. Awoodoodda dhanka dhaqaalaha aad ayuu u siyaaday baryahan danbe, qoraalkaan kuma saabsana dhaqaallaha soo gala haweenka Somaliyeed ee waxaa uu ku qotomaa arin taa ka kedisan. Yes Hableheenu aad bay u maskax badan yihiin, laakiin dhab u fakar wali uma aysan xuub siiban, waa hooyooyin  markay yar yihiin oo aysan guursanba, waa masuuliyiin hantidda dhaqaaleey  iyagoo guri wali yagleelin, waa mufakariin caawiya waalidka ...

Boohinta Orgiga Ka Weyn

Boohinta #Orgiga ka weyn! Madaama Aan muwaadin Somali ahay, Waxaan aaminsanahay in warbixintaan waxyaalo ka run yihiin sidda in ciidanka qaran uusan ahayn! Oo ay ku kala oodan yihiin maamul gobolleedyo iyo caasimaddo Aan xasillooni siyaasadeed ka jirin. Waxaan kaloo aaminsanahay in wax is daba marin ay jiri karto gaar ahaan saraakiish xukunto ciidanka! Tusaale ahaan, waxaa igu maqaalle ah in dowladda ay ciidamadda qaar ka cowdeen oo ay sheegeen in aysan helin mushaarkoodi. Dowladda markii la weydiiyey waxaa igu maqaallo ah in aysan jirin mushaar ku baaqi ah markii laga reebo ciidamo diiday in ay Soo furtaan accounts loogu shubo lacagahooda. Markii la baaray, waxaa Soo baxday saraakiil leh markaad lacagta gacanteenna ka ilaalinaysaan ood account ugu shubeysaan askarteena ma adinkeey idin shaqeeyaan, ma hub ayaad siiseen, ma gawaaridda dagaalka ayaad siiseen! Dowladii hore gacanta saraakiisha ayey lacagta galin jirtey Ee haka dheereynina guuxiina. Waxaa igu maqaalo ah in saraakiis...