Dhismaha Nolosha waa dhismaha qaranka

Dhismaha Nolosha

Waayadan danbe, waxaa Somalia kusoo siyaaday hablo shaqeysta oo hanti ay iyagu leeyihiin helo bil kasta waliba ay u dheertahay qaarkood gunooyin ay kamid tahay Abaal marinta Ciida sanad walba laba jeer, Fasaxyo sanadle ah iyo mid Ummulaha loogu talagalay, fasaxyo la baxsho kuwa waxbarta iyadoo waliba intay maqan yihiin ay leeyihiin mushaarkoodi.

Waxaa ay habluhu gooni u yeesheen godad ay ku leeyihiin banoogta kuyaala dalka gudihiisa iyo dibaddiisa, waxaa ay sameeyn karaan ganacsiyo yar yar iyo kuwo waaweeyn haddey qorsheeyaan oo go’aansadaan. Awoodoodda dhanka dhaqaalaha aad ayuu u siyaaday baryahan danbe, qoraalkaan kuma saabsana dhaqaallaha soo gala haweenka Somaliyeed ee waxaa uu ku qotomaa arin taa ka kedisan. Yes
Hableheenu aad bay u maskax badan yihiin, laakiin dhab u fakar wali uma aysan xuub siiban, waa hooyooyin  markay yar yihiin oo aysan guursanba, waa masuuliyiin hantidda dhaqaaleey  iyagoo guri wali yagleelin, waa mufakariin caawiya waalidka iyadoon cidna u magacaaban, waa howlwadeeno aan ciddina u xilsaaran howlaha guryaha ay kamidka yihiin. Hableheenu waa deeqsiyiin aan hagar lahayn, daacad ka ah waxqabadka ilaa heerka guriga ay ka yimaaddeen illaa heerka ugu sareeyso oo ay gaaraan. Kuma soo koobi karo waxtrakooda, fahamkooda, masuuliyaddooda iyo garashadood qoraal kaan.

Sikastooy sameeyeen uma ayan xuubsiiban dhab u fakar, doodeeydu waxaa ay tahay, nolosha qoys markay rabaan in ay yagleelaan waxaa ay jecel yihiin in ay abuuraan baahi ah in iyaga ay aad u muhiimsan yihiin tusaalle ahaan waxaay guurkooda ku xiraan dahab, aqal qurux badan amaba qaali ah, sooryo ninba inta ugu sareeysa ee uu bixin karo, xurmo u gooni ah waalidkeed iyo tamashleenyn kale, gabadhaas koontadeeda iyadoo buuxda ankee hal sumini ku darsan meeyso dhismaha nolosheeda, Mid kaliya ee  si dhuumaaalysi ah ku darsataanna yaa weylak, waxaa lagu xamanaya iyaddaa ninka jecleyd, iyaddaa iibsatay, isaga wax mahasyto miyaa? nin gaajo ah ayey wax ku darsatay iyadoo lagu soo tabcay oo wax baratay oo madax ah, mid kastaa iyadoo wax haysta gurigeeda wax uma ogollo, doodeeydu waxaa ay tahay habloo armeey wanagsan tahay in guryaha aad dhiseeysaan aad kiina ku dartaan ileeyn mar walba guri ayaad wax ka dhistaannee, ha ahaado kii walaalkiin, kan aabihiin, kan hooyadiin iyo kuwa ehelkiina. Kaad gooni u leedahay adigoo haya maxaad uga hagran.

Dhanka kale waxaan u arkaa in aad dhistay guri lawada leeyahay, oo hadduu dumo adigaba kaa dumay, hadduu dhismo aad ku leedahay amaanteeda qeyb lamid ah kan sowjkaaga, dhab u fakar in la noqdaayi waa hor u socodka qoysaskeena.

Anisa Dirie

Comments

Popular posts from this blog

Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida

Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Dalaal iyo Malaalka Majaraha u haya Somalia