Hablaha iyo Jaceylka

Waxaan aad u jecleystaa inaan xasuus ka reebto dhacdooyinka aan la kulmo Ee waayaha I baray anigoo doonan. Waxaa laga yaabaa in aan daawado ruwaayado iyo murti suugaaneed aniga oo fahmayo micnaha laakiin weli laga yaabo in aan u aamini karin waxan in ay dhab noqon karaaan.

Illahay amarkiis kama helo ruwaayadaha Jaceylka, Flimada Romance ah  iyo sheekooyinka ku saabsan arimahaan ilaa yaraanteeyda, malaha waqtiga ayaa igu yaraa maadaama Aan mar wax barasho ku jirey kagadaalna Aan shaqo adag galay.

Sidda kale Aan u dhigee aabahay oo Mudug ku dhashay iyo ayeeyday Hasno Ashkir oo sanado I korisay ayaa DNA reer Mudug ah % percentage ka dhaxlay, oo sidaas ayaan u ad-adkahay! Dhinici loo jiidaba suurtagal ma noqon in Aan daraasaad ku saabsan dhanka xiriirka Dadka isa raba in Aan baaro amaba wax un ka barto.

Waxaan caawa xaqiijinayaa inaan wax un ka bidhaamin karo jaceeylka iyo haweenka, sababta oo ah dhowr arin oon usoo joogay, iyanna ku darsoo Waxaan asxaab la ahay ragg badan oo shaqo wadaag aheeyn amaba siyaabo kale isku barannay! Waxay igu aaminaan xogtooda, dhibaatooyinka ka heysto guryahooda amaba sidda ay u qariyaan xaasaskooda asxaabta haweenka ah oo ay la sheegstaan.

Mid kamid ah asxaabteydaas weligiis telephone kuma uusan kaydsan number ay haweeney leedahay magaceeda, taa badelkeeda wuxuu sameeyn jirey qaarka uusan xafidi karin numberkooda magacyo rageed ayuu ku kaydsan jirey sidda #SuldhaanMohamed, #AbdullahiDriver iyo #Abdiyare ilaa markii danbe xaaskiisa ay ogaatay #SuldaanAbdullahi oo Soo qorey erayo message la leeyahay Sweetheart, honey iyo wax lamid ah😭 #Yaa #Weeylak Maxaa ka raacay hee!

Ujeedkeyga Aan u daadago, Haweenka sideedaba markay wax doonayaan amaba ay jecel yihiin wey beer nugul yihiin, waa baariyaal, wey caqli badan yihiin, waa nabad doono, wey maqli og yihiin, wey muusoodaan, qosol xishood ku dheehan yahay! Cajiib masoo koobi karo😎 hadeysan ninkaas dooneyn qodobadda kor Aan ku xusay bedelkeeda iska dheh!
Mid kamid ah asxaabteyda oo rag ah ayaa gabar da’a yar ah caashaqday, waa mid aad iga yaabisay gabadhaas yar farxadeeda ku aadan aragtida ninkaas iyo dhaqankeeda. 

Sidda uu I sheegay muddo labo sanno ah ayuu kala sheekeysanayey Facebook messager-ka, maalin Aan Aniga wada joognay ayuu u ogolaaday in ay la kulanto, Maxaa dhacay hee! 
Way noo timi iyadoo faraxsan, muusooneyso, qurux badan, Farxad Aan qiyaas lahayn, wey qosleeysaa iyadoon wax lagu qoslo la sheegin! Isma oran qof aadane ah ayaa saa ugu farxi karo qof kale oo bini’aadam ah iyadoo ay sheeko joogto😜

Waxaan Soo xasuustay Abdulkadir Jubba oo lahaa geeraar ku jirey ruwaayaddii #Beeneey #Waa #Run;
Docdaad u kaxeeysaba,
kuula duuli ogaa,
Diid Madoodu Yaraa,
Inkastoo ruwaayadu labo koox isku hardineyso, haddan in yar ayaan kasoo qaatay oo muujineyso haweenka markay wax rabaan oo diiradda meel u saaran tahay, duulku dhago nugulaaa!

Ha la iga raali ahaado haddaan wax qalday!

#Hablaheena #Sharfanayaal

Anisa Dirie


Comments

Popular posts from this blog

Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida

Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Dalaal iyo Malaalka Majaraha u haya Somalia