Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida
Abwaan Mohamed Ibrahim Hadrawi waxaa uu dhaxal sugaaneed oo taariikhi ah uga tagay gayiga Somalida iyo waliba dadka daneeya barashadda Afka Somaaliga. Hadraawi anigoo school gaarin Ayaan ka maqli jirey heesihiisa, gabayadiisa hooyadeey oo suugaanta Somalida aad u xifdida.
Markaan schoolka gaadhay, waxaan bartay gabayo, heeso iyo sugaan badan oo lagu qorey buugaagta Somalida.
Mohamed oo hibooyinkaa uu eebe siiyey, ay u dheertahay saadaalin wax soo socda, hogo tusaaleeyn dhanka nabada iyo colaada intuba, gubaabin ku saabsan in la ilaalsho dhaqanka ayaa waxaa uu dhaxal uga tagay suugaan badan oo ku saabsan haweenka Soomaalida oo uu u curiyey heeso iyo gabayo amaan ah, mar uu ka hadlayey awwodda haweenka somalida waxaa uu ku yiri wareysi uu siiyey TV laga leeyahay dalka Jabuuti " kaalin aysan haween ku jirin laguma guuleysto" wax kasta oo laga hadlayo haweenka ayaa lagu daraa ankee carabta waa na lamid".
Heesta Hablaha Geeska oo uu ku amaanayo haweenka Somalida ayaa waxaa kamid ah tuduc oranayso;
Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illaa geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!
Dagaalka oo ah wax ugu adag ee ragga ka qeyb qaataan ayuu ku lamaaniyey nin aysan haweeney guubaabineyn in uusan kheyrkiis dili karin. Iyadoo isla heestaas uu ku sheegayo in haweenka somalida ay awood dheeri ah u leeyihiin in ay dagaalka galaan, geelanna wax ka dhiciyaan ayuu tuduc kale ku leeyahay sidan hoose;
Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteenna mooyee
Geyi kale ma joogaan!
Somalida waxay taariikh u leeyihiin haween dagaalka galo sida Xaawo Taako, oo xoriyadda manta aan haysano usoo dagaalantay ilaa ay ku weyday nafteedii. Abwanka mar uu wiilasha Somalida ka guubaabinayo guurka shisheeyaha waxaa uu yiri;
Hadaad Gabar Cadaaniyo,
Dhulka gaalo keentaan
Midaan ku garaabeeyn
Dhulku kuu gargaareeyn
Xilka kaala gubaneyn,
Hadaad Gacal ka dhigataan,
Guumeys shisheeye ah,
Hadaad gacanta qabataan,
Hableheena Guuriyo
Gayaan yey ka sugayaan.
Mohamed Ibrahim Warsame waxaa uu qaaday heesta beledweyn oo uu ku amaanayo gabar kamid ah hablaha Somalida isagoo tilmaamayo qayimkeeda iyo quruxdeeda waxaa uu yiri;
Dhanka bari magaalada
Saw boqorod joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Bilicdii haweenkiyo
Bili loo dhammeeyoo.
Timo boqonta joogoo
Baal goray la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Bul cad lagu sideeyo.
Badh ku seexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huuwanaysa baaloo
igu beertay lahashoo
u buseelay maan baran.
Mohamed Ibrahim waxaa uu suugaantiisa ugu hiilshay haweenka somalida, waxaa uu tilmaamay howlkarnimadooda, ubad korintooda iyo awooda dabiiciga ah oo ay gaar u leeyihiin, mar uu tirshay maansadda hooyo waxaa u yiri;
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.
Aduunka manta hormaray ee gaadhay meel kast ilaa dayaxa lasoo sahmayo, hub kan ugu casri san ninkii sameeyey hooyo ayaa gaadhsiisay! Waxaan aaminsanahay in Abwaanku si kasta ugu heesay, gabyey uguna hiilshay dhanka suugaanta taariikhda somalida gashay haweenkeena. Oraahda san waa mid lagu gaaro calool fiyoobi iyo maskax furnaan.
Markaan schoolka gaadhay, waxaan bartay gabayo, heeso iyo sugaan badan oo lagu qorey buugaagta Somalida.
Mohamed oo hibooyinkaa uu eebe siiyey, ay u dheertahay saadaalin wax soo socda, hogo tusaaleeyn dhanka nabada iyo colaada intuba, gubaabin ku saabsan in la ilaalsho dhaqanka ayaa waxaa uu dhaxal uga tagay suugaan badan oo ku saabsan haweenka Soomaalida oo uu u curiyey heeso iyo gabayo amaan ah, mar uu ka hadlayey awwodda haweenka somalida waxaa uu ku yiri wareysi uu siiyey TV laga leeyahay dalka Jabuuti " kaalin aysan haween ku jirin laguma guuleysto" wax kasta oo laga hadlayo haweenka ayaa lagu daraa ankee carabta waa na lamid".
Heesta Hablaha Geeska oo uu ku amaanayo haweenka Somalida ayaa waxaa kamid ah tuduc oranayso;
Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illaa geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!
Dagaalka oo ah wax ugu adag ee ragga ka qeyb qaataan ayuu ku lamaaniyey nin aysan haweeney guubaabineyn in uusan kheyrkiis dili karin. Iyadoo isla heestaas uu ku sheegayo in haweenka somalida ay awood dheeri ah u leeyihiin in ay dagaalka galaan, geelanna wax ka dhiciyaan ayuu tuduc kale ku leeyahay sidan hoose;
Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteenna mooyee
Geyi kale ma joogaan!
Somalida waxay taariikh u leeyihiin haween dagaalka galo sida Xaawo Taako, oo xoriyadda manta aan haysano usoo dagaalantay ilaa ay ku weyday nafteedii. Abwanka mar uu wiilasha Somalida ka guubaabinayo guurka shisheeyaha waxaa uu yiri;
Hadaad Gabar Cadaaniyo,
Dhulka gaalo keentaan
Midaan ku garaabeeyn
Dhulku kuu gargaareeyn
Xilka kaala gubaneyn,
Hadaad Gacal ka dhigataan,
Guumeys shisheeye ah,
Hadaad gacanta qabataan,
Hableheena Guuriyo
Gayaan yey ka sugayaan.
Mohamed Ibrahim Warsame waxaa uu qaaday heesta beledweyn oo uu ku amaanayo gabar kamid ah hablaha Somalida isagoo tilmaamayo qayimkeeda iyo quruxdeeda waxaa uu yiri;
Dhanka bari magaalada
Saw boqorod joogtoo
Biyo dahab la moodoo
Bilicdii haweenkiyo
Bili loo dhammeeyoo.
Timo boqonta joogoo
Baal goray la moodoo
Baarkana casaankii
Bidix midig is gaadhoo
Bul cad lagu sideeyo.
Badh ku seexanaysoo
Barkanaysa qaaroo
Huuwanaysa baaloo
igu beertay lahashoo
u buseelay maan baran.
Mohamed Ibrahim waxaa uu suugaantiisa ugu hiilshay haweenka somalida, waxaa uu tilmaamay howlkarnimadooda, ubad korintooda iyo awooda dabiiciga ah oo ay gaar u leeyihiin, mar uu tirshay maansadda hooyo waxaa u yiri;
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigow horseedoo
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaab iyo
Tiro lagu heleynoo.
Comments
Post a Comment