Ceello Ceelka Ha Isku Ridin

Soomalidda waxaa ay muddo kujirtay ceello ceelka ha isku ridin iyo wan isku riddi!

Dadka badankood waxay ka hadlayaan maamul gobolleedyadda qaabka ay u dhaqmeeyn iyo saxnimadooda.

Aniga Waxaan jeclaan lahaa in dowladda dhexe ay muujiso doorkeedda si sharciga waafaqsan, tusaale ahaan in ay sheegto waxa ay sharciga u leedahay iyo wax xaq looga lee yahay sharciyan.

Dowladda dhexe Jalaato ma iibineyso si ay noo wadda qanciso, ee waxaa ay tahay in ay ka hadasho arinkaan si adag oo xilkasnimo  leh Iyo sharci gudasho ah. Hadday wax ku weydo, dowladda dhexe waxaa la gudboon in ay la fariisato aqalka sharci dejinta, ilaa loo gudbiyo Aqalka sare oo labaduba kayimaadeen dowladd goboleedyadda iminka jira.

Dowlladda dhexe hadday intaa wax ku weydo, dalka #Marshal #Law  haku Soo rogto, deedna shir ha u qabato qolyaha iminka qaska waddo si Godka jillicoow loo geeyo, ugu danbeeyna loo magcaabo governor ka amarqaato wasiirka arimaha gudaha.

Somaliya 30 sanno ayey kujirta I jiid Aan ku jiiddee! Waanu daalnay! Qof geesi ah ayaan dooneynaa! Xamar in madaxtooyo lagu shaqeeyo ragg geesiyaal ah ayaa ka shaqeeyey! Siddoo kale in Xamar doorasho ka dhacdo ragg ayaa maskaxdooda u maalay oo u geesinimeeyey! Maanta waxaa la doonayaa ragg maamul goboleedyadda jaanta u jarro, oo Taariikhda Baal ka galo!

Comments

Popular posts from this blog

Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida

Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Dalaal iyo Malaalka Majaraha u haya Somalia