Boohinta Orgiga Ka Weyn
Boohinta #Orgiga ka weyn! Madaama Aan muwaadin Somali ahay,
Waxaan aaminsanahay in warbixintaan waxyaalo ka run yihiin sidda in ciidanka qaran uusan ahayn! Oo ay ku kala oodan yihiin maamul gobolleedyo iyo caasimaddo Aan xasillooni siyaasadeed ka jirin.
Waxaan kaloo aaminsanahay in wax is daba marin ay jiri karto gaar ahaan saraakiish xukunto ciidanka! Tusaale ahaan, waxaa igu maqaalle ah in dowladda ay ciidamadda qaar ka cowdeen oo ay sheegeen in aysan helin mushaarkoodi.
Dowladda markii la weydiiyey waxaa igu maqaallo ah in aysan jirin mushaar ku baaqi ah markii laga reebo ciidamo diiday in ay Soo furtaan accounts loogu shubo lacagahooda. Markii la baaray, waxaa Soo baxday saraakiil leh markaad lacagta gacanteenna ka ilaalinaysaan ood account ugu shubeysaan askarteena ma adinkeey idin shaqeeyaan, ma hub ayaad siiseen, ma gawaaridda dagaalka ayaad siiseen! Dowladii hore gacanta saraakiisha ayey lacagta galin jirtey Ee haka dheereynina guuxiina.
Waxaa igu maqaalo ah in saraakiish qaar ay qariyaan Liiska ciidamadda iyagoo ku marmarsiiyoonaya waa sir ciidan, oo sirta laga qarinayo Taliyaha Guud iyo Wasiirka #Gaashaandhiga waa maxay?
Waxaan ka loo aaminsanahay lacagtaan Stipend ay bixiyaan wadamadda deeqda siiya Somaliya in 75 boqolkiiba ay gasho Amisom iyo la taliyayaal caalami ah.
Waxaan dareensanahay in bishii May sanadkaan la sameeyey qorsho lagu dhisaayo ciidamadda Somaliya oo qaranku gooni u leeyahay yacni Federal level ah. Dowladda Waxaan ka warqabnaa in ay aruurinayso oo Puntland ay qeybteedi keentay kal hore!
Waxaan ognahay in Turkiga ay Somaliya ka fureen saldhig military gudaha #Xamar, halka sir hoose la aaminsan yahay in 600 oo qof Aan ku weyney Zoope ay sabab u noqon karto in lagula dagaalamayey #Saldhigaas.
Dalal badan oo reer galbeed ah waxaa ay ka careysan yihiin furitaanka #saldhigaas, Waxaana laga yaabaa in uu noqdo taariikh lamid noqon doonto ka bixitaanki ruushka ee Somaliya.
Somaliya maanta doorosho ma yeelan karto, dal walba Somalida waxaa ay uga baahan yihiin taageero, ma dhumin karno Turkiga! Mana ka tagi karno Mareykanka! Ingiriiskana waa la mid! Reer Yurub waa lamid, Waxaan u baahanahay quburro military iyo kuwo wax ka yaqaano xiriirka caalamiga ah in ay reer galbeedka la socdaan dareenkooda saska ku jira Ee ku saabsan xiriirka Somalia iyo Turkiga!
Uma maleeynayo in waxa halkaas ku qoran in ay sax wada yihiin, Laakiin Waxaan u baahanahay warbaahinta Local- ka ah oo si rasmi ah oo run ka sheeg ah, qibradooda dalka ku aadan, kuna saleeynayaan arintaan baaritaan ay sameeyaan.
Shirkadaha Somalida oo ay ugu horeeyso Hormuud iyo shacabka waa in ay wax ka baxshaan dhaqallaha ciidanka. Somaliya awoodeeda waxay Soo noqon markii iyaddu daacad ka noqoto danaheedda oo dowladdo kale aysan habeen iyo maalin uga shaqeeyn.
Waxaan ka digayaa ciidan 100K oo tababar, qalab iyo anshax leh in Somaliya ay yeelato ajnabiga ka cabsi qabo oo waliba mandate koodu yahay in xuduudka Somalia ilaaliyaan , 6 Milyan oo Militia ah ayaa bedelkeeda dhalan karo sharcina qabin, hubna heli karo, aduunkana qatar ku noqon kara!
Somaliya ilama qumano in xirriirka Turkiga ay hoos u dhigto iyagoo kaalmadda Mareykan ixtiraamayso, xeero siddee lagu xagtaa ilkanna ku nabad gallaan!
By Anisa Dirie

Comments
Post a Comment