Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Taariikhdu markay ahayd 26 December 2017 waxaan kulan aan qorsheyn kala qeyb galay ardayda jaamacadaha dalka Kenya, Waxay ii ahayd farxad in aan arko waqtina la qaato oradyahanka caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi. Taariikhda iyo koobabka uu Somaliya u hantay waxaa laga heli karaa google iyo Keydka taariikhda Somalida, marka ilama qumano in aan ka hadlo maadaama aan usoo joogin.

Kullankeeni Cabdi Bile markaan u soo noqdo, waxaa aan la qaadanay in ka badan 5 saacadood, waxaan dareemay in uu jiro wadani nool oo weli aamisan Somalinimada isagoon ku dooneyn xil iyo magac tuna.  Wuxuu 1993 iyadoon Somaliya ay burburtay uu sidday calanka baluuga kana qeyb galay tartankii ordanyahanadda caalamka, Somalida badan ayaa igu tiri ayuu yiri "dowladba ma jirtee yaad u siddaa calankaan, markaa baan ku iri war Somaliya Ayaan u cayaarayey ee uma siddan calanka Siyaad Barre'.
Wuxuu nala wadaagay in markii uu qaadanayey passport Marekyanka uu habeenkii oo idil oo ooyayey waayo ma uusan dooneyn in uu iska bedelo dhalashadii uu sharafta ku gaaray iyo passport somaliga ah, waxaa uu is lahaa Somaliya ayaa dowladnimo soo ceshan doonto oo waxaa uu islahaa barri ama saad danbe ayey dowladnimo dhalaneysaa ilaa ay qaadatay tobonneeyo sanno.

Cabdi Bile waxaa uu dhlinyaradii halkaa isugu timid ku booriyey dadaal, dulqaad, daacadnimo waxay rabaan in ay gaaraan iyo daljirnimo, Waxaa uuna tusaalle usoo qaatay dhalinyaro uu tababaro oo qaarkood ay dowladda Jabuuti gacanta ku hayso. Kuwaas oo gaaray guulo is daba joog ah kuna kalsoon dalkooda. Dabcan quluub wadaniyad ka dhimanayso Ayaan ula tagay galabtaas, waxaa uuna  bedelay fikraddo badan oon ka qabay Somaliya iyo Somalidaba.

Halkaas waxaa iga soo baxday in uu yahay nin ku hilbo diriro Soomaalinimadda, Calanka baluuga ah iyo qaran sharaf leh ee Somaliya leedahay. Waxaa uu yiri meesha aan gaaray daqiiqado ayey ku gaarayaan dhalinyaradda Somaliyeed haddii ay helaan hab dowladnimo iyo tartan cadli ah. Waxaa uu dhalinta ka codsaday in ay negative iska ilaalshaan iyo dadka waxaas lama gaari karo yiraahdo mar walba.

Dhamaan dadkii halkaas isugu yimi Cabdi Bile waxaa uu ku yeeshay saameyn gaar ah oo dolwad jaceyl ah, uma uusan muuqan nin kibir badan, faan badan amaba hadalka dhoodhoobo. Waxaa uu ahaa nin qadarin badan, Somaliya ay la weyn tahay oo ankee waxaa uu noo sheegay in caruurtiisa uu waqti ku baxsho sida ay u bartaan Dalka ay ka soo jeedaan ee ah Somaliya gaar ahaan dhaqanka, hiddaha iyo afka uu leeyahay. Kuma soo koobi karo dhamaan Cabdi Bile waxaa uu noo siyaadshay oo wanaag iyo wadaniyadd ah laakiin waa un xasuus aan rabo in aan bogeyga ku reebto.

Comments

Popular posts from this blog

Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida

Dalaal iyo Malaalka Majaraha u haya Somalia