Posts

Dalaal iyo Malaalka Majaraha u haya Somalia

Wasaaradda arimaha dibadda Somaliya Maxay qabataaa? Laga bilaabo dhowr iyo tobankii wasiir Ee nasoo maray ilaa Kan iminka joogaayi 😭 Ma jirto Dal ay dowladeenu galaankal siyaasi ah u yeelatay oo ay safaaradeedu Xamar ka furtay kadib markay ogaatay Faaidada dalkaas uu noo leeyahay. Safaaradaha Xamar Ku yaal iskood iyagaa u furteen. Ma arag hab-maamus protocol oo wasaaraddu ay hagayso! Safiir walba oo ajnabi ah inta uu yimaado ayuu la kulmaa bulshadda qeybaheeda Kala duwan #Idin #la’aan. Safaaradaha nooga furan dalalka dhow dhow iyo kuwa fog ba, ma jirto, calan iyo shaqaale shacabka matalo! Shacabka iyagaa ehel iyo qaraabo Ku raadsado danahooda ganacsi, mid wax barasho iyo caafimaadba! Somalia waxaa dowladnimadeeda hagayo dilaal iyo malaal, Ku qarwo halagaa sheego!Jaakado waaweeyn iyo safaro ma ahane, ma arag shaqo la qabto iyo hogaan hagaagsan oo shacabka matalo!!!! Wasaaradda Arimaha dibadda waa mid ugu sareeyso, inta aan la socdo ragg aqoon iyo garasho leh waa loo igmaday, ...

Tegistii Xildhibaan Mohamed Sh. Cismaan Jawaari

Waxaan bogaadinayaa sidda quruxda badneeyd ee Jawaari arinkiisa usoo af Jarmay, iyadoo ciddina aysan naga dhiman, Illah ayaa mahadsan iyo Madxweynaha Somaliya Mohamed Abdullahi Framaajo oo maalin baajiyey Kullankii ugu xiisadda badnaa, maalintii labaadna ciidanka Muudeey ka codsaday in ay laabtaan, oo ciidamadda haystay golaha aan dagaal lala galin. Gudoomiyhii tagay waxaa uu muujiyey in uu ixtiraamo codsiga ummadda oo aheyd in la isu tanaasulo, wuxuu ahaa sharci yaqaan, howlgar ah. Xildhibaan Abdi Shire oo waxaan arkay dhowr jeer waraaqo sitta, wan weeydiiyey, wuxuu igu yiri "Mudane Jawaari ayaa qorro Fadhi walba si xildhibaankii maqnaa, amaba xanuunsan amaba fasax jira uusan war mooge u noqon kadaashii kulankii dhacay" waxaad halkaas ka garaneysaa sidda uu Odayga Jawaari uu ahaa dhaxal reebe, leh xussuus qaranimo (institution memory). Hardankii siyaasaddeed markuu biloowday, ma dooneyn in odaga la gilgilo, laakiin waxaan doonayey in la garansiiyo waxa hogaanka dalka do...

The Journey of an Incredible Woman

A young girl in the desert has been pleading with her father Ibrahim who wanted to travel from Balanbaalle in Northern Somalia to a village near Baardhere in Gedo region. She wanted to accompany him with the blessing of her mother who was to remain behind. Sumaya was his only daughter. I t was widely accepted norm in Somalia at the time, for the husbands not to disclose their travel itinerary with their wives and therefore the young girl's mother hasn't got a clue about her husband's travel destination. This was partly because the travel plans could be fluid as situations like rain; drought and war could alter the destination for travel. Wives were commanded to pack food and clothing for the husband's journey and they obeyed without hesitation. The little one cried, and her father agreed for her to tag along. She joined him on a long and treacherous journey. Although she was happy with her father's company, they went through hell. The weather was harsh; ther...

Xamareey Xaal Qaado

Xamar #amaan ma ahan! Ma arko cid keeneyso ficil Ama camal looga shaqeeyo amnigeeda! Xamar waa magaalo fool xun dhismaheeda iyo #burburkii gaaray, cidd keentay qorsho iyo dhaqaalle lagu hormariyo ma jirto!  Xamar waa magaalo 27 sanno burbur iyo kala yaac hooy u nooqtay, ma arag weli qof Somali ah amaba degan ama meel kale ku nool oo ka hadlaayo IDPs sidda dib u dejin loogu sameeyn lahaa! Oo meelaha faras magaaladda ah la rari lahaa qaxootiga iyo cooshadaha! Xamar sewage system malahan roob yar hadduu da’o waa biyo ku har oo wasaq iyo fool xumo ayey hooy u noqtaaa! Qorsho lagu hagaajiyo cidd keeneyso ma jirto, taa bedelkeeda engineer kii la keenaba waa la dilaa si uusan wax uga qaban! Cadaallad xumo magaalo hooy u ah oon Xamar ahyn ma jirto markii loo eego Somaliya oo idil waayo waxaa lakala haystaa guryihii iyo hantidii dad Somaliyeed leeyihiin; Tusaale ahaan Hargaysa waxaa guri ku leh nin ka tirsanaa saraakiishii Military Ee Xasuuq in ay ka geeysteen lagu eedeey...

Hablaha iyo Jaceylka

Waxaan aad u jecleystaa inaan xasuus ka reebto dhacdooyinka aan la kulmo Ee waayaha I baray anigoo doonan. Waxaa laga yaabaa in aan daawado ruwaayado iyo murti suugaaneed aniga oo fahmayo micnaha laakiin weli laga yaabo in aan u aamini karin waxan in ay dhab noqon karaaan. Illahay amarkiis kama helo ruwaayadaha Jaceylka, Flimada Romance ah  iyo sheekooyinka ku saabsan arimahaan ilaa yaraanteeyda, malaha waqtiga ayaa igu yaraa maadaama Aan mar wax barasho ku jirey kagadaalna Aan shaqo adag galay. Sidda kale Aan u dhigee aabahay oo Mudug ku dhashay iyo ayeeyday Hasno Ashkir oo sanado I korisay ayaa DNA reer Mudug ah % percentage ka dhaxlay, oo sidaas ayaan u ad-adkahay! Dhinici loo jiidaba suurtagal ma noqon in Aan daraasaad ku saabsan dhanka xiriirka Dadka isa raba in Aan baaro amaba wax un ka barto. Waxaan caawa xaqiijinayaa inaan wax un ka bidhaamin karo jaceeylka iyo haweenka, sababta oo ah dhowr arin oon usoo joogay, iyanna ku darsoo Waxaan asxaab la ahay ragg bad...

Socdaalkii Gobolladda Ee Madaxweyne Farmaajo

Waxaan rabaa in Aan ka jawaabo haddiyadda Madaxweyne #Farmaajo la gudoonsiiyey gudaha Puntland Ee waqooyi Barri Somaliya. Dad ayaa is weydiinayo Gabadha see laga yeeli! Ma qarankaa leh mise madaxweynaha ayaa gooni u leh!  Haa gabadha Qaranka ayaa yeelanayo! Maryama waalidkeed iyadoon dhalan ayaa hadiyad u adeegto masjid loo balan qaaday! Markay dhalatay waxay u adeegi jirtay masjidka kadibna allah ayaa doortay oo Nebi Ciise ku manaystay!  Gabadha madaxtooyadda ayaa la geeynayaa si ay ugu adeegto Qaranka! Hantida Qaranka ayey ka mid noqon doontaa! Cidda ay doonto iyaddaa guursan mustaqbal ka 😍 Dalka waa democracy❤️ Shaqadda laga ma eryi karo waayo waa hanti madaxtooyadda gooni u leedahay!  Iyaddana waxaa la bari wadaniyadda iyo xog ilaalinta! Waxaa la siin permanent Contract si loo dareensiiyo ownership! Waxaa la bari in aysan u shaqeeyn gobol, reer, shaqsi iyo Nafteeda! Waxaa sidoo kale loo dhiibi karaa kaadiriin ragg iyo dumarba leh oo aqoon u leh dalka i...

Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Image
Taariikhdu markay ahayd 26 December 2017 waxaan kulan aan qorsheyn kala qeyb galay ardayda jaamacadaha dalka Kenya, Waxay ii ahayd farxad in aan arko waqtina la qaato oradyahanka caanka ah ee Cabdi Bile Cabdi. Taariikhda iyo koobabka uu Somaliya u hantay waxaa laga heli karaa google iyo Keydka taariikhda Somalida, marka ilama qumano in aan ka hadlo maadaama aan usoo joogin. Kullankeeni Cabdi Bile markaan u soo noqdo, waxaa aan la qaadanay in ka badan 5 saacadood, waxaan dareemay in uu jiro wadani nool oo weli aamisan Somalinimada isagoon ku dooneyn xil iyo magac tuna.  Wuxuu 1993 iyadoon Somaliya ay burburtay uu sidday calanka baluuga kana qeyb galay tartankii ordanyahanadda caalamka, Somalida badan ayaa igu tiri ayuu yiri "dowladba ma jirtee yaad u siddaa calankaan, markaa baan ku iri war Somaliya Ayaan u cayaarayey ee uma siddan calanka Siyaad Barre'. Wuxuu nala wadaagay in markii uu qaadanayey passport Marekyanka uu habeenkii oo idil oo ooyayey waayo ma ...