Socdaalkii Gobolladda Ee Madaxweyne Farmaajo
Waxaan rabaa in Aan ka jawaabo haddiyadda Madaxweyne #Farmaajo la gudoonsiiyey gudaha Puntland Ee waqooyi Barri Somaliya. Dad ayaa is weydiinayo Gabadha see laga yeeli! Ma qarankaa leh mise madaxweynaha ayaa gooni u leh!
Haa gabadha Qaranka ayaa yeelanayo! Maryama waalidkeed iyadoon dhalan ayaa hadiyad u adeegto masjid loo balan qaaday! Markay dhalatay waxay u adeegi jirtay masjidka kadibna allah ayaa doortay oo Nebi Ciise ku manaystay!
Gabadha madaxtooyadda ayaa la geeynayaa si ay ugu adeegto Qaranka! Hantida Qaranka ayey ka mid noqon doontaa! Cidda ay doonto iyaddaa guursan mustaqbal ka 😍 Dalka waa democracy❤️ Shaqadda laga ma eryi karo waayo waa hanti madaxtooyadda gooni u leedahay!
Iyaddana waxaa la bari wadaniyadda iyo xog ilaalinta! Waxaa la siin permanent Contract si loo dareensiiyo ownership!
Waxaa la bari in aysan u shaqeeyn gobol, reer, shaqsi iyo Nafteeda! Waxaa sidoo kale loo dhiibi karaa kaadiriin ragg iyo dumarba leh oo aqoon u leh dalka iyo qaranimadda si ay u tababaraan.
Gabadha la gudoonsiiyey Madaxweynaha qaranka waa xurmo halkii ugu sareeysay Ee abid la gudoonsiiyo Madaxweyne kadib burburkii Somalia.
Madaxweynaha waxay ila tahay in uu uga faaiideysto sharafkaas ay ummadda gaarsiiyeen si hufan oo daacadnimo ah. Madaxweyne qoysaska Somaliyeed maxabo ay ku qabaan ayey hablahooda oo ah wax ugu qaalisan aduunka kugu keeneen haddiyad.
Fursadaha kusoo maray waa mid rag kula mid ah waayeen, waxaad dabcan ku kasbatay nasiibkaaga iyo daacadnimadaada.
Gabadhaas waxay rabtaa especially treatment, oo ah in laga mid dhigo hantida qaranka loona diyaarsho qaran u adeegto ku faanto Somalinimadda iyo wadaniyadda.
Waxaan aaminsanahay haddii course citizenship laga dhex bilaabo gudaha shaqaallaha wasaaradaha in Somalinmadda ay kobci la hayd!
Madaxweyne hantida isugu jirto Fardaha, Awrta, Dhulka iyo Gabadha intuba waa hanti qaran, waana hubaa in aad intaa ka badan iga taqaano hanti dadweyne iyo mid shaqsiyadeed. Waxaan kaloo yaqiinsanahay in aad ka fog tahay isticmaalka hanti dadweyne Laakiin ummadda ayaa u baahan inaad ku hagto ilalainta hantida dadweynaha.
#Hablaheena #Sharfanayaal
Anisa Dirie
Comments
Post a Comment