Tegistii Xildhibaan Mohamed Sh. Cismaan Jawaari

Waxaan bogaadinayaa sidda quruxda badneeyd ee Jawaari arinkiisa usoo af Jarmay, iyadoo ciddina aysan naga dhiman, Illah ayaa mahadsan iyo Madxweynaha Somaliya Mohamed Abdullahi Framaajo oo maalin baajiyey Kullankii ugu xiisadda badnaa, maalintii labaadna ciidanka Muudeey ka codsaday in ay laabtaan, oo ciidamadda haystay golaha aan dagaal lala galin.

Gudoomiyhii tagay waxaa uu muujiyey in uu ixtiraamo codsiga ummadda oo aheyd in la isu tanaasulo, wuxuu ahaa sharci yaqaan, howlgar ah. Xildhibaan Abdi Shire oo waxaan arkay dhowr jeer waraaqo sitta, wan weeydiiyey, wuxuu igu yiri "Mudane Jawaari ayaa qorro Fadhi walba si xildhibaankii maqnaa, amaba xanuunsan amaba fasax jira uusan war mooge u noqon kadaashii kulankii dhacay" waxaad halkaas ka garaneysaa sidda uu Odayga Jawaari uu ahaa dhaxal reebe, leh xussuus qaranimo (institution memory).

Hardankii siyaasaddeed markuu biloowday, ma dooneyn in odaga la gilgilo, laakiin waxaan doonayey in la garansiiyo waxa hogaanka dalka doonayo, wuuna la qaadan lahaa sidaan horey uga baranay, Jawaari waxaa uu hardan u dhexeeyo raisulwasaarayaal iyo Madxweyne Hassan Sheek soo joogay, umalaynmaayo in uu raali ka ahaa gebigood, laakiin wuu ku qasbanaa in uu ixtiraamo madaxweynihii xilligaa joogay soo jeedintiisa. Siddii loo hardamay waa usoo joogteeyn laakiin aniga waxaan rabaa in aan fikirkeeyga ku cabiro saddex arimood;

1.    Caqabadaha soo socdo oo aan is weydiiyey
"    Yaa Badeli doono Odayga
"    Gudoomiyihii xilkaas la wareego ma noqon doonaa dhaxal reebe Jawaari oo kale ah, oo howshii siddi usii wada amaba ka wanaajiya.
"    Middeeye aan koox, diin ku qaraabta yaal, maamul goboleed tuna ka amar qaadan, ma la heli doonaa.
2.    Maxaa laga bartay hardankaan
"    In dowlad isku duuban, min Madaxweyne, Raisulwasaare, wasiiro, wasiir ku xigeeno aan hardan looga badin Karin
"    In beesha caalamka  Xamar joogtaayi ay ku wanaagsan tahay in aay banaanka ka joogto arimaha noocan ah.
"    Shacabka Somalida oo iska diiday baroorta nin kursi doon ah, oo dagaal ku doon ah.
3.    Isku day qalad mug leh noqon lahaa;
"    In la baajiyo khudbadii Gudoomiyihii hore maalinta arbacdi ahayd la qorsheeyey isaguna ku cadeeyey markii ugu horeysay ee aan afkiisa ka maqalnay xil ka tegistiisa.
"    Sawaraddii kulankii sagootiska aheyd ee raisulwasaare Hassan Kheyre ugu tagay  Mudane Jawaari xalay oo aad loo buunbuuniyey si loo qariyo khudbadda odayga ee manta.
"    In Maanta oo khamiis ah lagu aadiyo khudbadda odayga maalin qaran ah 12 April 2018, laakiin waxaa aad noo soo jiidatay hadaladiisa xikmadeysnaa iyo tanaasulkiisii.

Soo jeedin
¢    Dowladda waxaa u taal howlo badan oo u baahan in ay wax ka qabtaan, dagaalka joogtadda ah ma waxaa na faray culuumta lagu barto dugsiyadda siyaadda mise waa your style of leadership.
¢    Markuu siyaasi maseersan hadlo, madaxda qaranka kalsooni darro ayey muujiyaan, ilaahay ayaa idiin gartay xukunka, waa in aad aqoonta ku darsataan kalsooni.
¢    Hud-Hudka marba  farayo in qollo la saarnaado waa in ay ka foojignaadaan madaxdeenu.

Gebo Gabo 
Jawaari uma Horeeyn Shaqo ka tegis umana danbeeyn doono, Saaxiib Facebook ayaa soon qorey (Bowdyo Rageed Midba Maalin Qaawanaatay).

In Nin la dhiso lagu dumiyo mid kale sharafkiisa, qayimkiisa iyo waxqabadkiisii hore ankee hadduu wax qaldo, ma haboono, anigaba aan ugu horeeyee qaadashadda qodobka danbe.

Comments

Popular posts from this blog

Hadraawi iyo Habllaha Soomaalida

Dal-Jirka Nool- Abdi Bile Abdi

Dalaal iyo Malaalka Majaraha u haya Somalia