Posts

Showing posts from April, 2018

Tegistii Xildhibaan Mohamed Sh. Cismaan Jawaari

Waxaan bogaadinayaa sidda quruxda badneeyd ee Jawaari arinkiisa usoo af Jarmay, iyadoo ciddina aysan naga dhiman, Illah ayaa mahadsan iyo Madxweynaha Somaliya Mohamed Abdullahi Framaajo oo maalin baajiyey Kullankii ugu xiisadda badnaa, maalintii labaadna ciidanka Muudeey ka codsaday in ay laabtaan, oo ciidamadda haystay golaha aan dagaal lala galin. Gudoomiyhii tagay waxaa uu muujiyey in uu ixtiraamo codsiga ummadda oo aheyd in la isu tanaasulo, wuxuu ahaa sharci yaqaan, howlgar ah. Xildhibaan Abdi Shire oo waxaan arkay dhowr jeer waraaqo sitta, wan weeydiiyey, wuxuu igu yiri "Mudane Jawaari ayaa qorro Fadhi walba si xildhibaankii maqnaa, amaba xanuunsan amaba fasax jira uusan war mooge u noqon kadaashii kulankii dhacay" waxaad halkaas ka garaneysaa sidda uu Odayga Jawaari uu ahaa dhaxal reebe, leh xussuus qaranimo (institution memory). Hardankii siyaasaddeed markuu biloowday, ma dooneyn in odaga la gilgilo, laakiin waxaan doonayey in la garansiiyo waxa hogaanka dalka do...